Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo magacaabay Golaha Amniga Gobalka

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo magacaabay Golaha Amniga Gobalka

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Golaha Amniga Gobolka Banaadir, kaasi oo waajibaadkiisa shaqo uu noqon doono sugida Amniga iyo xasiloonida Gobalka Banaadir.

Afhayeenka Gobalka Banaadir oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golahan uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayna Xubin ka yihiin Golahan Xubnaha kala ah:-

1- Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga
2- Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir
3- Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka
4- Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska
5- Taliyaha Nabadsugida
6- Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka
7- Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed( Thabit Ab) uu Soo Saaray Amar Looga Mamnuucayo Maridda Gaadiidka Ciidanka AMISOM Wadadada Makka- Almukarama oo Ka Bilaabaneysa Isgooska Sayidka (Oto-Oto) Ilaa Isgooska Benaadir Laga Bilaabo Saacadaha 6:00 Subaxnimo Ilaa 12:00 Habeenimo.

Ugu dambeyn Afhayeenka Gobalka ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho uu sido kale soo saaray Amar Looga Mamnuucayo In Gawaarida La dhigto( Paking) Wadooyinka Kala ah.

1- Wadada Marka-Almukarama
2- Wadada Ka Baxda K4 Ilaa Garoonka Aden Cade

LEAVE A REPLY