Faahfaahin Qarax ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

Faahfaahin Qarax ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

SHARE

Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa goor dhow ka dhacay waddada Maka Al-mukarama gaar ahaan banaanka Hore maqaaxi laga cunteeyo oo lagu magacaabo Italian Coffeei.

Wariye Cabdulqaadir Maxamed Cadde oo ka tirsan Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA oo Qaraxa kadib gaaray goobta uu qaraxu ku dhacay Gaari ayaa sheegay in uu arkay dhimashada 5 qof oo kamid ahaa dadkii maqaaxida ku shaahayay iyo dhaawaca 8 kale.

Dadka Qaraxa ku dhintay Waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee Gen Cabdi Bashiir Aadan oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, sida uu Sonna u Xaqiijiyay Gen Maxamed Xaashi Guuleed oo ka tirsan wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Gen Cabdi Bashiir Aadan ayaa Kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Tababarka Ciidan ku Soo Qaatay Dalka Kuuba, Isagoo Xilal kala duwan kasoo qabtay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Wuxuuna Mar soo naqday Ammaanduulihii Qeyta 12 April ee Ciidanka Xoogga Dalka.

LEAVE A REPLY