Daawo:- Waa Maxay Waxbarasho Islaami ah, Maxayse Al-shabaab Ula Jeedaan Waxbarashada Aan...

Daawo:- Waa Maxay Waxbarasho Islaami ah, Maxayse Al-shabaab Ula Jeedaan Waxbarashada Aan Islaamiga Aheydn?

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Kooxda Xagjirka Al-shabaab ayaa 20 Apr 2017 Baahiyay hadal ay ku farayaan Waalidiinta Soomaaliyeed ay Caruurtooda ay Geeyaan Madaarista.

Horjoogaha Warfaafinta u qaabilsan Al shabaab, Cali Maxamuud Raage oo soo duubay cajal 26 daqiiqo ah ayaa sheegay in carruurtu ay aadi karaan Iskuulada Islaamiga lagu barto oo kali ah, maadaama oo kuwa kale aysan wanaagsanayn oo sida uu hadalka u dhigay.

Kooxda oo looga Bartay Marin Habaabinta Caruurta Soomaaliyeed ayaa Dhawaan Soo Saaray Manhaj u Gaar ah oo ay doonayaan in ay ku qaldaan dhallaanka Soomaaliyeed, Islamarkaana ay ku doonayaan in ay fikirkooda Xagjirka ah ku fidiyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Warka Al-Shabaab ka soo baxay ku tilmaantay in uu ahaa mid aan waxbo ka jirin isla markaana uusan qaldaneyn Manhajka Waxbarasho ee Soomaaliya.

Hadaba Akhriste Shabakadda Wacyigalinta Samawade.so oo dabagal ku sameysay Tallaabada Al-shabaab ayaa idin soo gudbineysa Wareysi Muuqaal ah islamarkaana uu marti ku yahay Sh Cumar Daahir Cabdiraxmaan, isagoo noo Sharixi doono “Daawo:- Waa Maxay Waxbarasho Islaami ah, Maxayse Al-shabaab Ula Jeedaan Waxbarashada Aan Islaamiga Aheydn”?

Ka Bogasho Wacan.

https://youtu.be/6_UWFyhG_Eo

LEAVE A REPLY