Howlgal Lagu Dilay Saxafiyiin Ka Tirsan Kooxda Al-Shabaab Oo Ka Dhacay Shabeellaha...

Howlgal Lagu Dilay Saxafiyiin Ka Tirsan Kooxda Al-Shabaab Oo Ka Dhacay Shabeellaha Hoose

SHARE

Muqdisho,(Samawade):-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ay Kumaandooska DFS iyo kuwa Mareykanka ku qaaden Saldhigyo ay Maleeshiyaadka Al-shabaab ku lahaayen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in goobaha weerarka lagu qaaday ay kamid aheyd xarunta Idaacadda Al-andulus ee ku hadashay afka Al-shabaab.

Maamulka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday xarunta Idaacadda Al-andulus lagu dilay ilaa 5 Weriye oo kamid ah Weriyayaasha ugu dhaqdhaqaaqa badan ee Al-shabaab isla markaana ka howlgala Idaacadda Al-andulus.

Weriyayaasha ayaa xarunta lagu weeraray xili ay ku guda jireen diyaarinta warbixinada muuqaalka iyo kuwa codka ee ka baxa Idaacada Al-andulus.

Sidoo kale, wararka aan heleyno ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay ilaa 4 Horjooge oo ka tirsan Kooxda Xagjirka Al-shabaab ee ku magacaaban Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose.

Maleeshiyaadka Al-shabaab looga dilay weerarka ayaa iyaguna la sheegay inay gaarayaan ilaa 14 oo xiligaa ku sugnaa Xarumaha la weeraray.

Si kastaba ha ahaatee, Maleeshiyada Al-shabaab ayaan wali ka hadal Jabka kasoo gaaray weerarka ay Ciidamada dowlada iyo kuwa Mareykanka ku qaaden Saldhigyada ay ku leeyihiin Degmada Awdheegle ee Gobolka Sh/Hoose.

LEAVE A REPLY