Akhirso Waxa Uu Salka Ku Hayo Khilaafka Kooxda Al-shabab Iyo Soo Ifbixistii...

Akhirso Waxa Uu Salka Ku Hayo Khilaafka Kooxda Al-shabab Iyo Soo Ifbixistii Daacish

SHARE

Muqdisho,(Samawade):- Afartii Sano ee ugu dambeysay waxaa aad u sii Xoogeysanayay Khilaafka Xooggan ee ka dhex taagan Horjoogeyaasha ugu Sareeya ee Kooxda Al-shabaab.

Khilaafkaasi ayaa Salka ku hayay arrimo dhowr ah oo la xiriira Maareynta Dhaqaalaha baadda ah ee kooxda kasoo gala goobaha ay dalka kaga suganyihiin, Is aamin la’aan iyo kala shaki soo kala dhexgalay Horjoogeyaashooda.

Culeyska ugu Weyn ee Kooxda ku yimid ayaa soo ifbaxay markii Dalal badan oo kamid wadamada Islaamka uu ka dillaacay Fikirka Koox Cusub oo loogu magacdaray Daacish, taas aad u daneyneysay in ay Saameyn ku dhex yeelato Horjoogeyaasha ugu Sarreya ee Kooxda.

Soo If-bixiddii Kooxda Daacish waxa ay sii xoojisay dareenka iyo kala shakigii kooxda, waxaan wixii xilligaasi ka dambeeyay billoowday dilal qorsheysan iyo is ugaarsasho ka dhex billaabatay Odayaashii majaraha u hayay Kooxda.

Maalmo yar kadib waxaa toos u bilaabatay in qaar kamid ah horjoogeyaasha Kooxda ay Caddeystaan ku biiristoodii kooxda daacish, waxayna sababtay in gobalada dhaca Koofurta Soomaaliya looga awood batay Qeybtii qirtay in ay ku biirayaan Daacish.
May, 17, 2013 ayaa Markii ugu horeysay Xassan Daahir Aways waxaa uu qiray jiritaanka khilaaf wayn oo ka dhexjira kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh shabakada Al-qaacida.

Xassan Daahir Aways oo waraysi gaar ah siiyay telefishinka Somalichannel ayaa sheegay inay dhawaan soo saareen bayaan ay uga digayaan khilaafaadka ka dhex-oogan kooxda Al-shabaab, waxaana uu farta ku fiiqay shaqsiyaad gaa ah oo uu ku tilmaamay inay majaro habaabiyeen taladii iyo go’aamadii kooxda Al-shabaab.
Mar uu ka hadlayay dil la shaaciyay in Al-shabaab ay u gaysteen horjeege ka tirsanaa ajaanibta ka barbar dagaalanta Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Al-Amiiriki dilkiisa ayuu yiri “Al Amiiriki waa uu nool-yahay, hase ahaatee waa la sigay, waxaana xilligaan ku raad-joognaa inaan gacanta kusoo dhigno raggii ka dambeeyay isku daygii la rabay in lagu khaarajiyo” Sidaasina waxaa yiri Xassan Daahir.

Xassan Daahir ayaa mar la waydiiyay dilka culumada islaamka ah ee Soomaaliyeed ee ay fuliyaan Xagjirka Al-shabaab waxaa uu yiri “Dhiig badan oo xaqdarro ah ayaa daadanaya, taas ayaana ka digeynaa, si qaldan ayaa maalin kasta loo beegsanayaa dadka shacabka ah ee aan dagaalka qeybta ka aheyn, taasna waxa ay horseedeysaa burbur dag dag ah oo kooxdu ay kala kulanto dhinac kasta”.

Hadamaba Maxaa Sabab u ah Khilaafka iyo Kala Shakiga Kooxda?

• Kalsoonida Maleeshiyaadka Iyo Horjoogeyaasha Amra Dhallinyarada Weerarada iyo Dilalka Fuliya.

• Hoggaanka Kooxda Oo noqday mid Safaf Dhaadheer loogu Jiro Xilli uu Khilaafku Meel Sare Gaaray.

• Horjoogeyaasha oo ku kala aragti duwan habka loola tacaamulayo dadka lagu soo qabto Colaadaha ay dalka ka hurinayaan.

• Horjeegeyaasha oo ku kala Qeybsamay 3 Qodob oo kala ah, Dilalka iyo Beegsida Dadka Shacabka ee aan waxbagalabsan Misna aan Hadafka laheyn, Awood Qeybsiga Xubnaha Kooxda iyo Dhaqaalaha Soo Gala oo si toos ah ugu dhacda Jeebka Horjoogaha Kooxda iyo Ku Xigeenkiisa.

• Ismaqalkii iyo Amar kala Qaadashadii Horjoogeyaasha oo meesha ka baxday, iyadoo Horjoogeyaasha Qaar loogu hanjabay Dil iyo Gowrac.

• Horjoogeyaasha oo bilaabay is-ugaarsi iyo in dhexdooda ay Dabin isku dhigaan, taas oo cirka ku sii shareertay khilaafka ka dhex taagan Kooxda.

• Culeys Xoog leh oo kasoo hajahay Howlgalka Ciidamada Xoogga Dalka Oo Hadda Diyaar garoow Ballaran ugu jira Dagaal ka dhan ah Al-shabaab kadib markii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay Dagaal Lagu Qaadayo Deegaanada Al-shabaab kaga Suganyihiin Soomaaliya.

• Kooxda Daacish oo Billaawday in dhaqaale ku bixiso kala furfurista Horjoogeyaasha Al-shabaab iyo Lacag Siineysa Maleeshiyaadkii Kooxdaasi si ay ugu soo Biiraan.

Dalalka Caalamka Ee Daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo ka hortagga Sii Faafista Fikirka Xagjirka Ee Kooxda Al-Qaacidda ayaa si taxadar leh ula socda khilaafaadka ka dhex jira kooxda, taasina waxa ay horseedi doontaa in ay burburto Kooxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY