Meydadka Maleeshiyaad Ka tirsan Al-Shabaab oo maanta lagu arkay No 50

Meydadka Maleeshiyaad Ka tirsan Al-Shabaab oo maanta lagu arkay No 50

SHARE

Dadka ku nool Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka No: 50 ayaa ku soo waramaya in ay saakay arkeyn meydadka Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku dhintay dagaalka Xalay ka dhacay deegaankaasi.

Ugu yaraan 6 qof oo meyd ah ayaa saakay lagu arkay goobihii lagu dagaalamay waxaana dadka deegaanka ay ku sheegeyn in ay meydadkaasi ka tagayn Al-Shabaab kana mid ahaayeen kooxdii xalay weerarka ku soo qaaday Tuulooyin hoos yimaada Degmada Marka ee Gobalka Shabeelaha Hoose Sida No: 50, Ceel-wareegow iyo Meelo kale.

Dagaalkii Xalaya yaa qaatay saacado badan waxaana la aamisan yahay in ay ku dhintayn dad badan oo isugu jira shacab iyo kooxihii dagaalamay.

Xaaladda ayaa maanta ah mid kacsan waxaana laga dareemayaa Jawi cabsi ah iyadoo mararka qaar ay dhacayaan rasaas goos goos ah oo labada dhinac is dhaafsanayaan maadaama wali la isku hor fadhiyo Goobihii lagu dagaalamay.

LEAVE A REPLY