Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Maanta Kismaayo Iyo Faah Faahin Laga...

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Maanta Kismaayo Iyo Faah Faahin Laga Helayo

SHARE

Kismaayo,(Samawade):-Waxaa Qarax Miino uu ka dhacay Maanta Magaalada Kismaayo waxaana uu ahaa mid Sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa lala Eegtay Gaari Cabdibele ah oo kamid ahaa Kolinyo Ciidan ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo Saraakiil Ajaanib ah.

Saraakiisha Ammaanka Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in ay dhinteen 3 askari 5 kalana ay dhaawacmeen kadib markii miino ay la kacday gaariga Cabdibilaha ah.

Kollonyada Gaadiidka ah ee la qarxciyay ayaa kasoo laabtay Deegaanka Janaay Cabdalla oo Shabaab laga saaray 48 Saac ka hor balse ay ciidanka dib uga soo baxeen oo Shabaabkuna dib ugu laabteen Halkaasi.

LEAVE A REPLY