Kooxda Xagjirka Al-shabaab Oo Sheegtay Dilka Sarkaal Ka Tirsan Laamaha Ammaanka Oo...

Kooxda Xagjirka Al-shabaab Oo Sheegtay Dilka Sarkaal Ka Tirsan Laamaha Ammaanka Oo Muqdisho Lagu Dilay

SHARE

Muqdisho,(Samawade):-Koox Hubeysan ayaa abaare 9:30 Daqiiqo Barqanimadii maanta waxa ay xaafadda Maanaboolyo ee degmada Shibis ku dileen Sargaal ka tirsanaa NISA.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali, waxaana kooxda dishay oo bastoolado ku hubeysanaa ay markiiba ka baxsadeen goobta uu falku ka dhacay.

Xilliga la tooganayey Marxuumkaasi waxa uu ku mashquulsanaa indho indheynta guri uu ka dhisanayey Xaafadaasi,iyadoo Bistoolad uu watay wakhtiga la dilayey Sargaalkaasi.

Ciidamada Ammaanka ayaa daqiiqado kadib soo gaaray goobta, iyagoo billaabay baaritaano lagu ogaanayo sida uu falku ku dhacay.

Kooxda Xagjirka Al-shabaab ee Xiriirka la leh ururka Al-qaacidda ayaa sheegatay dilka Sarkaalkaasi, waxaana lagu sheegay war ay kooxdaasi ku faafisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda argagixisada.

LEAVE A REPLY