Dhacdo Xanuunbadan Laba Wiil Oo Walaalo Ah Ayaa Midna La Dilay Midna...

Dhacdo Xanuunbadan Laba Wiil Oo Walaalo Ah Ayaa Midna La Dilay Midna La Dhaawacay

SHARE

Muqdisho,(Samawade):- Koox hubysan ay maanta dil iyo dhaawac u geesteen laba wiil oo wada dhashay kuwaas oo rasaas la huwiyay xilli ay ku sugnaayeen Xaafadda Siliggii Ameerikaana ee dagmada Wadajir Ee Gobalka Banaadir.

Wiilasha la weeraray ayaa lagu kala magacaabi jiray Saney Maxamed Wehliye iyo Mustaf Maxamed Wehliye waxaana labada wiil midkood uu ku dhintay isla goobta uu falka ka dhacay halka wiilka kale madaxa xabad ay uga jirto hadana uu koomo ku jiro.

 

Maleeshiyaadka Xagjirka Ee Al-shabaab ayaa Muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay weerarada tooska ee ay ku bartilmaameedsanayaan dadka shacabka ee aah waxba galabsan.

LEAVE A REPLY