Ciidamada Ammaanka Puntland Oo Qabtay Gaari Walxaha Qaraxa Ay Ku Raranyihiin+Sawirro

Ciidamada Ammaanka Puntland Oo Qabtay Gaari Walxaha Qaraxa Ay Ku Raranyihiin+Sawirro

SHARE

Boosaaso,(Samawade):-Ciidamada amaanka ee magaalada Bosaso ayaa gacanta ku dhigay aaladaha qarxa iyo gaari waday iyo shan qof oo loo qabtay inay wadeen.

Howlgalkan oo xalay dhacay ayaa lagu fashiliyay isku dayo qaraxyo ah oo la qorshaynayay in laga fulisay gudaha Puntland , waxaana socda baaritaano kale duwan oo lagu wado dad falkaan lala xiriirinayo.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay ciidamada inay soo qabteen aaladahan kadib markii ay muddo daba socdeen , iyadoona dhammaan dhalinyarada lagu qabtay xabsiga loo gudbiyay.


LEAVE A REPLY