Deeq Raashin Ah Oo La Qeybiyay Boqolaal Qoysas Ku Nool Goballada Bay...

Deeq Raashin Ah Oo La Qeybiyay Boqolaal Qoysas Ku Nool Goballada Bay iyo Bakool+Sawirro

SHARE

Bakool,(Gurmadqaran):-Iyadoo abaaro baahsan oo saameeyay dadka duunyada ay ku dhufteen dhammaan gobollada dalka Soomaaliya ayaa waxaa socda gurmad baaxad leh  oo la gaarsiinayo dadka abaartu dhibaataysay.

Jaaliyadda Soomaalida dalka Ingiriiska ayaa Gargaar ugu deeqday boqolaal qoys danyar ah oo kunool gobollada Bay iyo Bakool oo ka mid ah meelaha ugu daran ee abaartu ragaadisay.

Deeqdan oo isugu jirtay Raashin iyo agabyo kale oo dhaxanta iyo roobka looga gaashaanto ayaa la gaarsiiyay dad aad u tabaalaysan oo ku nool magaalooyin iyo tuulooyin ka tirsan Bay iyo Bakool.

Dadka loo qeybiyay Gargaarka ayaa ahaa kuwa ugu nugul ee abaartu ay ka dhameysay xoolihii ay dhaqanayeen, waxayna dadkaasi ku noolyihiin degmooyinka Diinsoor,Buurhakaba,Buula Fuulaay iyo tuulooyin katirsan gobolka Bakool oo duruufo Bani’aadanimo lagasoo calaamadeeyay.

Qarash dhan $10,350 dollar oo ay iskasoo aruuriyeen Jamaacada ku dukuda Masjidka woolwich ee xaafadda Greenwich magaalada London, ayna u soo wakiisheen Ridwaan Xasan Cali ayaa raashin iyo gargaar kale loogu iibiyay dadka dhibaataysan ee ku dhaqan deegaanada fog fog ee gobollada Bay iyo Bakool.

Waxyaabaha dadka masaakiinta ah la gaarsiiyay waxaa ka mid ah Raashin, Caano,iyo cunto nafaqeysan, qoysaska qaar ayaa lacago caddaan ah loo qeybiyay si ay ugasoo kabsadaan abaarta xoolaha ka dhammaysay.

Dadka ka faa’iideystay gargaarkan waxaa ka mid ah qoyska haweenay qisadeeda lagu baahiyay baraha bulshada haweenaydaas oo ku xoola beeshay abaarta Bay iyo Bakool, kadibna iyadoo meel cidla ah maraysa umushay oo lawaayay biyo looga dhaqo dhiigga umusha muddo afar maalmood ah iyo wax afka loogu qabto ilmaha yar ee dhallaanka ah.

Hooyadan oo inta badan carruurteedi ay abaartu dishay ayaa la siiyay lacag caddaan ah iyo raashin ku filan dhowr bil sidoo kalane waxaa loo iibiyay dhar cusub oo ay ku labisato.

Sidoo kale Gargaarka ay soo direen Muxsiniinta Masjidka Woolwich ee magaalada London  ayaa lagu caawiyay qoysas danyar ah oo ku kala nool gobollada,Sh/dhexe, Hiiraan iyo galguduud.

Ugu dambeyntii dadka gargaarka loo qeybiyay ayaa uga mahad celiyay Jaaliyadda UK dadaalka ay sameeyeen waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay markale gargaar lasoo gaaraan si noloshooda loo badbaadiyo.

 

LEAVE A REPLY