Haddana ma taaseey keeneen!!! (FAALLO)

Haddana ma taaseey keeneen!!! (FAALLO)

SHARE

Muqdisho,(Samawade):-Kooxda Nabad-diidka waxay hore u caadeysteen dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed, kaasoo isugu jira Qalid, Qarxin, Qaxin, baad, go’doomin, cabsi galin iyo kuwa kaleba, ayay haddana soo saareen inay dhibaateyn hor leh la damacsan yihiin bahda Waxbarashada, iyagoo sheegay in Manhajkooda qalloocan la qaato, ciddii ku dhaqmi weydana ay tallaabo ka qaadi doonaa, waxayna ku tilmaameen kuwa kale inay faafinayaan dhaqamo shisheeye.

Dowlada Soomaaliya oo ka jawaabtay digniintii cabsi galinta aheyd ee ay Kooxda Al-Shabaab soo saareen ayay si weyn uga hadashay warka ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo digniin loogu diraayay Dalladaha Waxbarashada Dalka iyo Waalidiinta Sooomaaliyeed,
War ka soo baxay Al-Shabaab dhawaan ayaa ahaa in dalladaha Waxbarashada Dalka ay faafiyaan Manaahiij laga soo guuriyay Reer galbeedka, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Warka Al-Shabaab ka soo baxay ku tilmaantay in uu ahaa mid aan waxbo ka jirin isla markaana uusan qaldaneyn Manhajka Waxbarasho ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusman oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan wax qaldan barin Caruurta Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan in ay qal qal geliyaan Caruurta iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, islmarkaana wuxuuna faah faahin ka bixiyay Manhajka Waxbarasho ee Soomaaliya ay leedahay iyo sida uu u qoran yahay.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusman waxaa kaloo uu sheegay in aan loo baahneyn in la siyaasadeeyo Waxbarashada, waxa uu sidoo kale sheegay in Waxbarashada ay ka madax banaan tahay siyaasada, ugu dambeyntiina waxa uu Kooxda Al-Shabaab ugu baaqay in aysan siyaasadeyn Waxbarashada.

Kooxda Al-shabaab ayaa mar walba soo saarta awaamiir ay ku dhibaateynayaan Ummadda Soomaaliyeed, waxayna amaradaasi ay soo saareyso ku doonaeysaa inay ka fuliso deegaanno aysan iyagu ka talin, waa yaabe sidee bay raabaan inay u fuliyaan, ma waxa ay doonayaan inay qarxiyaan goobaha Waxbarashada?, mise waxay ka doonayaan lacago baad ah?.

Kooxda Al-shabaab ayaa waxay ku caan baxeen inay goobaha ka taliyaan inay shacabka u geystaan dhibaatooyin fara badan oo aan ka xusi karno dil, cabsigalin,baad joogta ah, go’doomin ay ka goynayaan gargaarada biniaadannimo, oo isugu jira adeegyada lamamaarmaanka u ah bulshada sida Caafimaadka iyo waxbarashada, ayay haddana waxay keeneen inay dhaleeceeyaan Waxbarashada Dalka ka hanaqaaday, iyagoo ku tilmaamaya inay faafiyaan dhaqamo ama falal gaallo, waxaa looga baahan yahay Xukuumadda Soomaliyeed inay tallaabo adag ka qaadaan Kooxdaasi caadeystay dhibaateynta Shacbiga Soonmaaliyeed oo ay xilligan heysato abaaro baahsan.

Koodani Hadafkooda qalloocan ayay haddana soo saarayaan awaamiir qalloocan, maadaama looga bartay wayeeleynta Ummadda Soomaaliyeed ayay mar kale soo saareen Amar ku aadan bahda Waxbarashada Dalka, sow lama dhihi karo haddana ma taaseey keenee!!!.

W.Q: C/llhai Ruush

LEAVE A REPLY