Nabaddoon Caan Ah Oo Caawa Baladweyne Lagu Dilay

Nabaddoon Caan Ah Oo Caawa Baladweyne Lagu Dilay

SHARE

Baladweyne,April 18 (Samawade):-Kooxo hubeysan ayaa ku diley magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow oo ka mid ah nabadoonada caanka a ee gobolka Hiiraan.

Dilka nabadoonka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen rag ku hubeysan bastoolado  dilka nabadoonka,kadibna halkaasi ayay ka baxsadeen dadkii ka dambeeyay dilka nabadoonka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka mid ahaa ergadii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku soo dooratay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka nabadoonkan, balse ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka sameeyay goobaha ku dhow dhow halka uu dilka ka dhacay.

 

LEAVE A REPLY