Faahfaahin:-Madaafiic hoobiyeyaal oo ku soo dhacay Xaafado ka tirsan degmada H/wadaag

Faahfaahin:-Madaafiic hoobiyeyaal oo ku soo dhacay Xaafado ka tirsan degmada H/wadaag

SHARE

Muqdisho,(Samawade):-Wararka aan ka heleyno Dadka ku nool Degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir ayaa sheegaya in illaa saddex madfac ay ku soo dhaceen xaafada Shanta-Geed ee degmadaasi H/wadaag, isla markaana uu ku habsaday guri dad rayid degenaayeen.

Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa sheegaya in koox hubeysan oo gaari wadatay ay madaafiic ka dhex tuureen gudaha degmada ayna ku dheceen isla dagmada Howlwadaag.

Saraakiishu waxa ay noo sheegeen in bartilmaameedka madaafiicdan uu ahaa in lagu laayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana socda howl gal ciidamada ammaanka ay wadaan, kaasoo lagu baadigoobayo kooxihii madaafiicda soo tuuray.

Axadii ayay aheyd markii Ciidamada Ammaanka ay toogteen labo katiran maleeshiyaadka Al-shabaab , kuwaasoo madaafiic ka riday degmada Wadajir, waxaana ciiamada gacanta ku dhigeen qorigii hoobiyaha madaafiicda ka rideen, labo qori oo AK47 ah iyo gaari yar ay wateen, kaasoo markii dambe qarxay.

 

LEAVE A REPLY