Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika oo Booqasho Ku Yimid Muqdisho

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika oo Booqasho Ku Yimid Muqdisho

SHARE

Muqdisho,Abriil 15 -16, 2017:-Gudddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Africa Axmed Axmed ayaa haatan ku sugan magaalda Muqdihso oo uu maanta safar ku tagay.

Guddoomiye Axmed ayaa la sheegayaa inuu u tagay Muqdisho si uu arko heerka ciyaaraha kubadda cagta ee Somalia, gaar ahaan Muqdisho.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Africa wuxuu Muqdisho kula kulmay madaxda ciyaaraha Somalia, sida wasiirka ciyaaraha iyo madaxa xiriirka kubbada cagta Somalia.

Guddoomiye Axmed iyo madaxda ciyaaraha Somalia ayaa iyagoo wadajir ah booqday garoomada kubadda cagta ee ku yaalla Muqdisho, sida garoonka weyn ee Stadium Muqdisho, halkaasi oo haatan fadhiisin u ah ciidamada AMISOM.

Guddoomiye Axmed Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu la qabtay wasiirka ciyaaraha Khadiijka Maxamed Diiriye, wuxuu ku sheegay in xiriirka kubbada cagta Afrika uu xoojin doonaan horumarinta xiriirka ciyaaraha Somalia, wuxuuna sheegay inay ujeeddada uu u yimid ay tahay dhiirigalinta ciyaaraha Somalia.

Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta Africa Axmed Axmed wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Madagascar, waxaana xilkaasi loo doortay bishii hore magaalada Addis Ababa doorasho ka dhacday.

LEAVE A REPLY