Xildhibaan Bile Salaad oo ka tirsan Xildhibaannada Galmudug oo amaanay Maamulka Ahlusunna.

Xildhibaan Bile Salaad oo ka tirsan Xildhibaannada Galmudug oo amaanay Maamulka Ahlusunna.

SHARE

Xildhibaankan ka tirsan Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu shaaaciyay in uu soo dhaweynayo talaabo kasta oo dhanka horumarka ah oo qaadaan Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Xildhibaan Bile Salaad Diini oo la hadlay Idaacad ku taalla Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in Xaalada Degmada Caabudwaaq ay dagan tahay balse looga baahan yahay Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna.

“Waxaan qirayaa Deegaan ay ku sugan yihiin Ciidamada Ahlu Sunna in aysan wax dhib ah ka dhaceynin”, sidaasi ayuu yiri Xildhibaan Diini.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu ku tilmaamay Maamulka Ahlu Sunna kuwa u qalma in looga dambeeyo mas’uuliyada Maamulka Degmada Caabudwaaq.

Sikastaba ha ahaatee, hadalka Xildhibaan Bile Salaad Diini ayaa waxuu imaanayaa xilli muddooyinkii dambe xiisado Dagaal ay ka jireen Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY