Ururka Al-shabaab oo lacag adag kusoo rogey dadka gelaya Magaalada Qoryooley.

Ururka Al-shabaab oo lacag adag kusoo rogey dadka gelaya Magaalada Qoryooley.

SHARE

Maamulka degmada qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in degmada ay go’doon ay ku jirto islamarkana gadiidka degmada in ay soo galaan ay ku adag tahay.

Gudoomiye ku xigeenka Dhanka amniga maamulka degmada qoryooley Maxamed Axmadoow oo la hadlay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab dagaalyahanadooda ay u muuqato Degmada sidaa daraadeedna dhaq dhaqaaq degmada ay saameyn ku sameeyeen.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa ku eedeyay Al shabaab in gaadiidka gelaya degmada ay ka qaadaan lacag aad u badan oo aysan bixin Karin wadayaasha gaadiidka.

Maxamed Axmadoow ayaa tilmaamay in Halki gaari ee gelaya degmada ay Al-shabaab ka qaadayaan lacag dhan 400 oo doolar (Afar boqol oo doolar) islamarkaana lacagtaasi ay tahay mid xad dhaaf ah.

Gudoomiye ku xigeenka degmada qoryooley ayaa sheegay in Gaarikasta oo rakaab sida ama doonaya in gudaha uu u galo degmada laga qaadayo lacago badan.

LEAVE A REPLY