Howlihii Duulimaad ee Garoonka Aadan Cadde oo hakad galay.

Howlihii Duulimaad ee Garoonka Aadan Cadde oo hakad galay.

SHARE

Duulimaadyadii maalinlaha ahaa ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa saaka hakad ku yimid, kadib markii Shirkada Favori ee Turkiga laga leeyahay ay la soo baxday caqabad hor leh oo dhanka dhaqaalaha ku saleysan.

Shirkada Favori, ayaa maamulayaasha Diyaaradaha ka shaqeeya Garoonka waxa ay ku amartay saaka in dadka rakaabka ah laga qaado lacag dhan $20 doolar oo canshuur ah, taasi oo Shirkada ay fartay Masuuliyiinta Shirkadaha Duulimaadka inay ku daraan lacagaha ticket-ka dadka ay ku goosanayaan.

Iyadoo markii horeba caqabad weyn ay ka jirtay dhaqaalaha faraha badan ee Garoonka uga baxa muwaadiniinta Somaliyed, ayaa tani waxa ay noqotay caqabad kale oo soo baxday oo ay keensadeen Shirkadan Ajnabiga ah ee Garoonka haysata.

Maamulayaasha Diyaaradaha Garoonka ka shaqeeya ayaa saaka ku dhawaaqay shaqo joojin, waxaana ay go’aan isla gaareen inaysan shacabka saareyn culeys kale oo dhaqaale, maadaama inta hada laga qaadaba ay tahay mid badan.

Howlihii duulimaadyada Garoonka Aadan Cadde ayaa saaka hakad galay, iyadoo rakaabkii ku qornaa raacista Diyaaradaha dib u dhac uu ku yimid safaradooda saacado muran adag uu taagnaa.

Waxaa la sheegay Guddi ka socda Shirkadaha Diyaaradaha iyo Shirkada Favori inay kulmeen, kadibna Masuuliyiinta Favori ay u sheegeen masuuliyiinta Shirkadaha in la fasaxo Duulimaadyada hada taagan oo rakaabka ay qaadaan arintaana dib ay uga wada hadlayaan.

Shirkada Favori oo haysata Garoonka Muqdisho ayaa hadba ajande cusub oo dhaqaale ay ugu aruursaneyso shacabka Somaliyed soo bandhigeyso, xilli dadka Garoonka ka dhoofa hada ay la liitaan qarashaadka faraha badan ee Garoonka looga qaado.

Shirkada Sahal oo Garoonka ka shaqeysa qaabilsana qaybta basaska Rakaabka lagu qaado, ayaa muwaadiniinta u dhoofaya Gobolada dalka waxa ay ka qaadaa lacag dhan $6 doolar, halka kuwa Dibada u dhoofayana laga qaado lacag dhan $11 Doolar, taasi oo ah culeys xoogan, Basaska Shirkadan ay leedahay ayaa rakaabka waxa uu ka qaadaa meel ku dhaw Garoonka Aadan Cadde, garoonka gudihiisa ayuuna geeya waana intaas inta dhaqaalaha Bulshada looga qaato.

Maamulka Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheeda ka daawanaya dhamaan caqabadaha ka taagan Garoonka Aadan cadde.

LEAVE A REPLY