Laba murashax oo laga joojiyay ka qeyb-galka Tartanka Doorasho ee 2016.

Laba murashax oo laga joojiyay ka qeyb-galka Tartanka Doorasho ee 2016.

SHARE

Guddiga Doorashooyinka Somaliya, ayaa Xalay go’aan ka so saaray iska horimaadkii 18-kii bishii hore ee November ka dhacay xarunta lagu soo doooranayo Xildhibaanada Hirshabelle ku metelaysa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

Iska horimaadkan, ayaa u dhaxeeyay Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Somaliya, Maxamed C/laahi Xasan (Nuux) iyo Axmed Sheekh Nuur (Cirro), oo labaduba ku tartamaayay kursiga Beesha Jidle, Waxaana lagu wada eedeeyay inay ka masuul ahaayeen wixii halkaasi ka dhacay.

Guddiga Doorashooyinka, ayaa qoraalka ay soo saareen waxay labadaasi xubnood kaga reebeen tartanka, iyagoona Ugaaska Beesha Jidle ugu yeeray inuu soo xulo ergo cusub, oo ka qayb qaadata doorashada kursiga beeshaasi.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalka, ayaa Guddiga Maamulka Hirshabelle ku adkeeyay inay dhaqangeliyan qaraarkan.

LEAVE A REPLY