Ciidamada Puntland oo mar kale dib u qabsaday Qandala.

Ciidamada Puntland oo mar kale dib u qabsaday Qandala.

SHARE

Taliye Ku Xigeenka Labaad ee Ciiidanka Daraawiishta dowladda Puntland Cabdi Axmed Caashi oo lagu Naynaaso Bro oo Hogaaminaya Ciidanka Daraawiishata Puntland ee Qandala Qabsaday ayaa waxaa uu caawa waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir isagoo sheegay in dagaalka ay guul ka gaareen.

Taliye Ku Xigeenka Labaad ee Ciiidanka Daraawiishta dowladda Puntland Cabdi Axmed Caashi ayaa xusay in ay dagaalyahanada Daaicsh ay ka dileen 30 xubnood waxaan uu ku nuux nuux saday in saxaafadda ay u soo bandhigi doonaa agab kale duwan goobaha ay u baxeen ay la socdaan ayna ku bixi doonaa ciidanka Puntland oo kaashanaya shacabka ku nool deegaanka ku xeeran Qandala.

Taliye Ku Xigeenka Labaad ee Ciiidanka Daraawiishta dowladda Puntland Cabdi Axmed Caashi ayaa beeniyey in wax ciidamo ajnabi ah ay gacan siinayeen ciidanka Puntland waxaan uu ugu baaqay shacabkii ka qaxay degmada Qandala in ay dib ugu soo laabtaan.

Ciidamada Puntland oo ka kooban ciidamada daraawiishata iyo kuwa badda PSF ayaa si rasmi ah maanta dib ula wareegay degmada Qandala oo maalmihi danbe ay dagaalo kale duwan ay deeganada ku xeeran ku dhexmareen ciidamada Puntland iyo kooxda Daaicsh oo magaalada Qandala qabsatay 26-kii Bishii October 2016.

Cidamada Puntland ee howl galka ka fulyey degmada Qandala ayaa waxaa la socday masuuliyiin a tirsan dowladda Puntaldn waxaan a mid ahaa Wasiirka Qarsheynta Dowlada Puntland, Shire Xaaji Faarax Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed waceys Dhado, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Puntand, Wasiirka Cadaaladda Puntland ,Duqa Qandala Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan iyo masuuliyiin kale duwan.

LEAVE A REPLY