Shir muhim ah oo maanta oo Arbaca ah ka furmaya Muqdisho.

Shir muhim ah oo maanta oo Arbaca ah ka furmaya Muqdisho.

SHARE

Shirka hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Madaxda Maamul Goboleedyada qaar ayaa sidoo kale la filayaa in ay qeyb galaan Shirkan la qorsheynayo in lagu qabto Caasimada Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlaaya doorashooyinka Dalka, gaar ahaan tabashada ay qabaan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee ku aadan doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Danjiraha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Michael Keating ayaa sheegay in shirkan looga hadli doonaa dib u dhacyada joogtada ah ee ku imaanaya doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY