Dagaal khasaare geystey oo kadhacey tuulada Warmaxan ee Gobalka Sh. Hoose.

Dagaal khasaare geystey oo kadhacey tuulada Warmaxan ee Gobalka Sh. Hoose.

SHARE

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Al Shabaab ayaa waxuu ka dhacay Gobolka Sh.Hoose.

 

Waxuu Dagaalkan ka dambeeyay sida la sheegay kadib markii Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degaanka Warmxan ee Gobolka Sh.Hoose.

 

Dadka Degaanka ayaa sheegay in Dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 3 Ruux oo ka mid ahaa labada dhinaca ee halkaasi isku hayay.

 

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab oo ku aadan Dagaalkii ka dhacay Gobolka Sh.Hoose

LEAVE A REPLY