Shir Siyaasadeed aan la'ogeyn waxa kasoo bixaya oo loo balansanyahay Berri.

Shir Siyaasadeed aan la'ogeyn waxa kasoo bixaya oo loo balansanyahay Berri.

SHARE

Shir muhiimadiisu ay tahay sidii mar kale la isaga arki lahaa hanaanka doorasho ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah uu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Shirkaan oo wadatashi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda Dowladda Somalia iyo hogaamiyaasha maamul Goboleedyada ayaa waxaa diirada lagu saari doona arimaha doorashooyinka iyo sida lagu sixi karo qaladaadka jira.

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa shaaciyay sidoo kale in shirkaan la isagu soo hadal qaadi doono dib u dhacyada hareeyay doorashada.

Qaar ka mid ah hogaamiyaasha maamul Goboleedyada ayaa lagu wadaa iney maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay shirka uga qeyb galaan.

LEAVE A REPLY