Diyaarado dagaal oo duqeeyey Maleeshiyada taabacsan Daacish ee Qandala.

Diyaarado dagaal oo duqeeyey Maleeshiyada taabacsan Daacish ee Qandala.

SHARE

Wararka ka imanaya Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in duqayn xalay ay ka dhacday meel u dhow magaalada Qandala, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo madax bannaan.

Duqayntan ayaa la sheegay inay gaysteen diyaarado ajnabi ah, waxaana lala beegsaday maleeshiyada taabacsan Daacish ee ay is hor fadhiyaan ciidamada Puntland. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Dhinaca kale waxaa faahfaahin laga helayaa dagaallo culus oo shalay ka dhacay dooxada Cobollehe oo ay saldhig ku lahaayeen maleeshiyada taabacsan Daacish.

Warar aanu ka helnay dhinaca amniga ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay dagaalkii shalay ku dileen tiro ka mid ah maleeshiyada Daacish taabacsan, islamarkaana ay qabsadeen baabuur ay saaran tahay daawo. Saddex ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarkan.

Ciidamada Puntland ayaa weli si gaabis ah ugu sii siqaya magaalada Qandala oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Daacish.

Dagaalka shalay ka dhacay Cobollehe ayaa ahaa iska horimaadkii labaaad ee dhexmara labada dhinac. Dagaalka hore ayaa Sabtidii ka dhacay degaanka Af-Bashaashin waxaana ciidamada Puntland ay ku dileen dagaalkaasi 7 ka tirsan maleeshiyada Daacish, dhinacoodana waxay sheegeen inay uga dhaawacmeen saddex askari.

Maleeshuyada Daacish ayaa qabsaday magaalada Qandala bishii October 26-keedii iyadoo aan wax iska horimaad ah ka dhicin. Puntland ayaa dhinaceeda wacad ku martay inay magaalada dib u qabsato.

Qandala waa magaalo taariikhi ah oo 80km dhinaca Bari kaga toosan magaalada Boosaaso. Qabsashada Qandala ayaa maleeshiyada Daacish taabacsan u ahayd markii ugu horraysay ee degaaan cayiman oo la yaqaan ay ka qabsadaan maamulka Puntland tan iyo intii jiritaankoodu soo baxay bishii October ee sannadkii 2015-ka.

LEAVE A REPLY