Ciidamadii gaalkacyo isku hor fadhiyey oo lakala qaadya.

Ciidamadii gaalkacyo isku hor fadhiyey oo lakala qaadya.

SHARE

Labada Guddoomiye ee Gobolka Mudug ee kala qaabilsan Puntland iyo Galmudug ayaa qaado talaabo lagu farxo,iyagoo si isku mid ah u booqday goobihii fariisinka ee isku horfadhiyeen Puntland iyo Galmudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug Cabdirashiid Carte ayaa warbaahinta u sheegay in xaalada Labada dhinac hada soo wanaagsaneyso,islamarkaana Ciidankii si buuxda loo kala qaaday.

Dhigiisa Puntland Xasan Max’ed Khaliif ayaa sheegay in la isku haleyn karo amaanka Gaalkacyo wixii ka danbeeyay markii heshiiska la gaaray.

Macadda in ay sii socontoonto arrinta kala qaadista iyo nabadeynta ah, waxaana maalmahan kusoo noq noqonayay halkaasi dagaallo aan micno sameyneynin oo dhiig badani ku daatay islamarkaana ay ku barakaceen dad farabadan.

LEAVE A REPLY