Xasan Sh. oo rajo xumo ku aadan in uu soo laabto soo...

Xasan Sh. oo rajo xumo ku aadan in uu soo laabto soo waajahday.

SHARE

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markan u muuqda in uu rajo xujo xumo ka muujinayo in uu markale ku soo laabto talada Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa dhaqaalo badan ku bixiyay xildhibaano danyar si ay cododkoodu isaga u siiyaan balse waxaa arintaasi haatan soo dhex galay sida la sheegayo musharaaxiin kala duwan oo doonaya in ay helaan codadkaasi.

Musharaxiinta ayaa dhankooda waxaa ay rabaan in ay Xildhibaanada cusub ay ku soo daraan xertooda, iyagoo u sameynayo balan qaadyo kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa markan ka hortaagan guusha ku aadan ku soo laabashada kursiga madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya 3 qodob.
1: Aaminid la’aan.
Madaxweyne Xasn ayaa balan qaadyo uu sameeyay inta uusan noqon madaxweyne u sameyn, taasina horseeday in haatan Shacabka nacaan.

2: Dhaqaalo xumi:
Markii Madaxweynaha uu la wareegay talada Dalka Soomaaliya ayaa mar qura waxaa Dalka laga waaay lacagtii la isticmaalayay, waxaana dhaqaalo xumi tii ugu darneyd laga dareemay Soomaaliya.

3: Beello diidan soo laabashada MD Xasan:
Beello badan oo ka mid ah Qaabaa’ilada Soomaaliyeed ayaa Dagaal xoogan kula jira Siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Beelaha ayaa waxey sheegayaan in ay madaxweynaha uu bahdilay muddadii uu
hayay talada Dalka Soomaaliya.

Waxey sidoo kale qeexeen in marnaba aysan aamin doonin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan wada ololihii ugu ballaarnaa si uu markale ugu soo noqdo kursiga madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY