Qandala oo lagala wareegey Daacish.

Qandala oo lagala wareegey Daacish.

SHARE

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Puntland ay Goor dhow Dagaal kula Wareegeen Magaalada oo Mudo Bil iyo 10 Cisho ah ay joogeen Kooxda Xariirka la leh Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa Dagaal Cir iyo dhul ah ku qaaday Kooxda Daacish ee Qandala joogtay,waxaana halkaas ka dhashsay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah.

Lama oga ilaa iyo hadda sida ay wax u kala gaareen dhinacyada halkaasi ku dagaallamay, waxaana hadda deggan degaankaasi kadib markii ay ciidamada Puntland gacagta ku dhigeen.

LEAVE A REPLY