Axmed Madoobe iyo C/wali gaas oo isu baheysanaya ariinta doorashada.

Axmed Madoobe iyo C/wali gaas oo isu baheysanaya ariinta doorashada.

SHARE

Warar hoose ayaa sheegaya in Garowe iyo Kismaayo ay ka socdaan qorshe la doonayo in lagu carqaladeeyo hanaanka doorasho ee lagu wado iney dalka ka dhacdo bilaha soo aadan.

Ilo ku dhow madaxtooyada Jubba Land ayaa sheegaya iney socdaan qorshe iskaashi oo Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas ay ku doonayaan iney kaga hor yimaadeen siday wax uga socdaan magaalada Muqdisho oo fadhi rasmi u ah Dowladda Dhexe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya iney Labada madaxweyne ka soo horjeedaan madaxweyne Xasan Sheikh uu ku doonayo in mar kale majaraha u qabto dalka,waxayna sida la sheegay ka shaqeynayaan in dalka sanadka 2017-ka ay ka dhacaan isbedel hogaan iyo mid siyaasadeed.

C/wali Gaas ayaa la sheegayaa inuu hakad geliyay doorashadii aqalka hoose ee ka socotay Puntland gaar ahaan magaalada Garowe,isagoo taasi kaga gol leh ama kaga careysan qaabkii Dowladda Soomaaliya u dhigtay doorashada aqalka hoose iyo mid ka sare ee deegaanada waqooyi.

Waxaana Dowladda Soomaaliya ay dooneysa in doorashada Labada aqal ee Gobolada Sool,Sanaag iyo ceyn ay ka dhacdo Muqdisho halka C/wali Gaasi arintaasi si weyn kaga horyimid.

Madaxweynaha Jubba Land Axmed Madoobe ayaa diidan in mar kale uu soo noqdo madaxweynaha hada waqtigiisa idlaaday ee Xasan Sheikh,isagoo Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Jubba Land ka codsaday iney codka siiyaan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hada ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Maamulka Goboleedka Jubbaland ayaa Puntland ku taageeray inaan loo dulqaadan karin in Koox yar oo dano siyaasadeed leh ay carqaladeeyaan Hannaanka Doorashada dalka Soomaaliya ee ay ku heshiiyeen Hogaamiyeyaasha Madasha Qaran shirkoodii ugu dambeeyay, Hannaankaas oo qeexaya wadiiqooyinka loo marayo Doorashooyinka Guddoonka baarlamaanka iyo Madaxwaynaha ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer federaal ugu baaqay inay xalliyaan tabashada Maamulka Puntland iyo guud ahaan Maamulada kale, isagoo sheegay in Jubbaland ay joojisay saxiixa Xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka hoose ee Kismaayo lagu doortay illaa laga xallinayo Tabashada Puntland.

Inta badan dadka siyaasadda falanqeeya ayaa odoraya in mar kale ay adag tahay in Xasan Sheikh uu dib u soo noqdo,inkastoo dad yar ay aaminsan yahay in madaxweynaha mar kale soo noqon karo maadaama uu afduub ku hayo Xildhibaanada la doortay iyo kuwa wax dooranaya.

LEAVE A REPLY