Maraykanka oo Madaxweynaha ladoortay oo ku dhaqaaqay gogol dhaaf siyaasadeed.

Maraykanka oo Madaxweynaha ladoortay oo ku dhaqaaqay gogol dhaaf siyaasadeed.

SHARE

Madaxweynaha Dalka Maraykanka ee Donald Trump ayaa lasheegayaa in uu jebiyey siyaasad uu maraykanku ku dhaqmayay muddo tobanaan sano ah, taasi oo ahayd in aanu xiriir lasameynin Hoggaamiyayaasha Taiwan.

Trump ayaa layeeshey Hogaamiyaha Taiwan xiriir dhanka Telefanka ah, kaasi oo qaatay muddo daqiiqado ah, waxaana lasheegey in ay kawada hadleen arrimo ku saabsan dhanka ganacsiga iyo horumarinta Diplomaasiyadda, taasi oo ah Tilaabo si aad ah uga caraysiinaysa Hoggaanka Shiinaha oo ariintaasi laga yaabo in uu u arko mid daan daansi ah.

Hadaba macadda arrimaha siyaasadeed ee ka dhalan doono tillaabadan gefka ku ah hab-dhaqankii soo jireenka ahaa ee uu maraykanku lahaa, waxaase lahubaa in aanay farax gelineynin Wadanka Shiinaha oo aaminsan in ay Taiwan kamid tahay Dalweynaha Shiinaha.

LEAVE A REPLY