Madaxtooyada Villa Somaaliya oo u Jawaabtay R/wasaare C C C Sharmarke halkii...

Madaxtooyada Villa Somaaliya oo u Jawaabtay R/wasaare C C C Sharmarke halkii uu yiri

SHARE
Agaasimaha Warfaafinta ee Villa Somalia, Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa soo saaray Qoraal uu si kulul ugu naqdiyey Hadalkii uu Ra’isul-wasaaraha XFS ahna Musharax Madaxweyne Cumar Cumar C/rashiid uu shalay ka jeediyey Kulan uu magaalladda Kismaayo kula yeeshay Xildhibaanadda Labada Aqal ee laga soo doortay Maamulka Jubbaland.

Cumar C/rashiid waxa uu Xildhibaanadda Cusub ka dalbaday in lagu taageero Musharaxnimadiisa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in Isbedel lagu sameeyo Hoggaanka Sare ee dalka.

Siyaasigaasi oo labo jeer xilka Ra’isul-wasarenimo soo qabtay ayaa u muuqday qof uu Loolan Siyaasadeed kala dhexeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii 2-aad ku haminaya in dib loo soo doorto.

shadoorAgaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud waxaa uu hadalka Cumar C/rashiid ku tilmaamay mid ka fog Anshaxa Doorashooyinka iyo inuu Danno Siyaasadeed ka leeyahay Hadalkaasi.

“Waxaa wanaagsan inuu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid, ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda uu weli u hayo dalka ee Ra”iisul Wasaarenimo, ma wanaagsana in uu ololaha doorashadiisa shaqsiydeeyo”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo sii hadlayay ayaa yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh , wuxuu mudan yahay in lagu aammaano difaacida dananaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo diidmada faragelinta tooska ah ee shisheeyaha, Madaxweynu mar walba waa ka go’an tahay illaalinta xaduudaha dalka ee dhanka badda Iyo bariga” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Cumar C/rashiid ayaa olole xooggan ka wada xarumaha maamul goboleedyada, isagoo taageero ka raadinaya Xildhibaanada laga soo doortay, waxaa la rumeysan yahay inuu taageero dhaqaale ka helayo Imaaraadka Carabta oo la sheego inuu u yahay xulashada koowaad shaqsiyaadka ay la rabto inay hoggaanka dalka qabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalka Warbaahinta ee u dhexeeya Madaxtooyadda ayaa muujinaya inuu jiro Khilaaf Siyaasadeed iyo mid Awoodeed oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo labaduba ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY