Musuqa Galmudug oo gaaray in ay codsadaan Nabadoonadu in lagu galo doorashada...

Musuqa Galmudug oo gaaray in ay codsadaan Nabadoonadu in lagu galo doorashada meelo kale.

SHARE

Mid kamid ah Nabaddoonnada Galmudug ayaa sheegey in musuq aan wali lagu arag caalamka uu ka dhacay Galmudug.

Nabadoon Salaad Muuse oo isagu kamid ah nabadoonnada Galmudug ayaa sheegey in aanu maqlin iska daa in uu arko musuqa dhacay, iyagoo yiri “Waxaan maqli jirrey Doorasho ayaa lagu shubtay amaba laaluush lagu qaatay, waligeen ma’arkin Doorasho lagu fulinayo Xoog iyo Khasab la khasbayo Salaadiinta iyo Ugaasyada Beelaha” ayuu yiri.

Nabadoonka ayaa sheegey xilli uu wareysi siinayay mid kamid ah Idaacadaha ka howl-gala Muqdisho in ay jiraan Xubno lagu dilay galmudug iyagoo doonaya in ay u doodaan xaqooda ah in ay wax doortaan lana doorto, taasi oo aan ka dhicin meel goballada kale ee Dalka.

Nabadoonka ayaa u mahad celiyay Guddiga doorashooyinka oo uu hoggaamiyo Avv. Cumar Dhagey kaasi oo war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegey in aan la’aqoonsaneynin kursi kamid ah kuraasta Galmudug oo uu kusoo baxay sida lashaaciyey Abtidoon yare, kadib markii uu si khaldan ugu tartamay, iyadoona ay kursigaasi ahayd in ay haween u tartamaan.

Kursigani kaliya maaha kuraasta uu khilaafku ka taagan yahay, waxaana jira kuraas aad u farabadan oo aan weli looga qancin Maamulka galmudug sida uu u maamulay iyo lugtii uu ku lahaa doorashada xilliga ay dhaceysay doorashadooda, kuwaasi oo larumeysan yahay in dacwooyin badani ka yaallaan Xafiisyada isha ku haya Doorashad Dadban ee soomaaliya.

Nabadoonka ayaa ka codsaday in guddiga doorashadu hadiiba uu usoo celiyey kursigoodii laga dhacey lagu doorto meel aan ahay Galmudug oo sida uu yiri horey xoog ugu muuqunisay.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la’ogeyn halka uu ku dhamaan doono Xubnaha kuraastooda uu muranka ka taagan yahay ee ilaa iyo hadda soo baxay, waxaana maamulka Puntland soo saaray qoraal uga digaya in lahowl-geliyo xildhibaannada ladoortay iyadoo aanay dhamaystirmin doorashadu, xilli uu guddiga doorashooyinku sheegey in uu dhamaaday Guntankii uu ku furmi lahaa Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY