Magaalada Cadaado ee xarun KMG u ah Maamulka Galmudug Yaa lagu doortay...

Magaalada Cadaado ee xarun KMG u ah Maamulka Galmudug Yaa lagu doortay maanta ?

SHARE

Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Galmudug.

Doorashadan oo barkhadii maanta bilaabatay ayaa waxaa lagu doortay Hal kursi oo keliya, maadaama ay ku tartmayeen siyaasiyiin iyo xubno si weyn loo garanayo.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamay C/saabir Nuur Shuuriye iyo Cali Sheekh Doon Cabdi, waxaana Musharaxii Saddexaad uu ahaa C/qaadir Cali Cumar Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Doorashada aan soo xaadirin.

Xarunta Doorashada ay ka dhaceysay ayaa waxaa soo xaadiray 45 Ergo, waxaana dhamaantood ay u codeeyeen C/saabir Nuur Shuuriye, isagoo ka guulesytay Cali Sheekh Doon Cabdi.

Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/qaadir Cali Cumar ayaa waxa uu Madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug ku eedeeyay in ay u diideen in uu ka qeyb galo Doorashadii maanta.

ugu dambeyntii Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay natiijada Doorashadii maanta.

Maamulka Galmudug ayaa horey u sheegay Doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado in ay soo gaba gabeyn doonaan Maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY