Maamulka Puntland oo shaki galiyay ka qayb-galka doorashada ka dhacaysa dalka

Maamulka Puntland oo shaki galiyay ka qayb-galka doorashada ka dhacaysa dalka

SHARE

Puntland waxaa ay sheegtay inay jiraan wax-yaabo suragal ka dhigi kara inaysan ka qayb-galin doorashada madaxweynaha ee dalka ka dhacaysa,doorkeeda ka qayb-gal wuxuu yahay xildhibaannada Aqalka hoose ee matalaya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland,Axmed Cali Xaasho ayaa shir saxaafadeed ku sheegay inaysan ka qayb-qaadan doonin wax ka baxsan hab-raaca doorashada ee lugu heshiiyay.

Wax-yaabaha ay diidan-yihiin ee sabab u noqon kara doorashada inaysan ka qayb-galin,wuxuu ku soo kooban labo qodob.

Fara-galinta la sheegay guddoomiyaha baarlamaanka ee xilka ka degaya,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari inuu ku sameynayo xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn.

Qodobka kale wuxuu yahay,qorshaha socda ee lugu raadinayo haddii ay soo dhammeystirmaan kooramka xildhibaannada cusub oo marka ay gaaran 180 in xildhibaannada ay fadhin yeelan karaan,iyadoo wali ay tiro kale dhiman-tahay.

Puntland wali ma soo dhammeystirin tirada xildhibaannada ee Aqalka hoose ku matalaya,laakin hadda waxaa muuqda inuu jiro waxyaabo ay qoonsaneyso,xilli bilowga bisha aan ku jirno ee December lugu ballamay fadhi inuu yeesho xildhibaannada cusub.

LEAVE A REPLY