Hadda Ayaa La Quustay!!!

Hadda Ayaa La Quustay!!!

SHARE

Markii hore lagama hadlin ismaamul goboleedka iyo ceebaha uu leeyahay , kaliya waxaa Soomaalida u muuqatay waxooda oo kaliya, waxaa lagu wada fekerayey in is maamul kastaa uu heli doono wixii uu u baahdo, maamulkiisana uu u madax banaanaan doono, in barwaaqo iyo nabad lagu wada dabaalan doono, in kaligiis taliye dambe xunkunkiisa laga xoroobay, laakiin maxaa dhacay markii dalkii Soomaaliya oo markii hore ka maqnayd sedex Gobol, loo sii kala qaybiyey 6 qayb?

qayladii ugu horaysay waxay ka yeertay Gobolka Mudug iyo Magaalada gaalkacyo, tii xigtay waxay ka yeertay gobolka Jubada Hoose, tii sedexaad waxay ka yeertay Gobolka Hiiraan walina waa socotaa, waa lays dilayaa waxaana la isku dilayaa annaga oo reer hebel ah ayaa meeshaan iska leh ee naga durka iyo xaggee baan aadnaa annagaa weligeen halkaan joognaye, bal fiiri wixii la moodayey in lagu qaboobayo kulaylkii laga dhaxlay.

nin Soomaaliyeed ayaa waxaa laga hayaa ” Toloow Yaa Mar Uun Harageeda ku Celiya ” waxay maanta taagan tahay yaa Xukunkii Askarta iyo Baynaaddii dib noogu celiya, sababtoo ah waxaa dhintay Damiirkii Soomaalida, waxaa lumay kala dambayntii, waxaa la waayey qaranimadii, markaas baan la rajaynayn wax wanaagsan oo dhan, waa layska daba yaacayaa iyada oo la daba roorayo dad ajnabi ah oo aan ka naxayn dadka soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

markaas bay maalin kasta wax ku tijaabinayaan iyaga oo aan ujeedadooda ahayn in ay soomaalida wax la qabtaan, mar way isku dirayaan, mar waxay leeyihii 4.5 ayaa wax lagu qaybasanayaa, mar kale waxay leeyihii Qabiil Qabiil hoose wax haloo qaybsado, mar way kala qayb qaybinayaan, marna siday doonaan bay ka yeelayaan.

madax quman ma jirto, muwaadiniin xalaal ah ma jirto, waxaa isku soo haray danaystayaal kaliya uun ka fekeraya sidii ay uga mid noqon lahaayeen Gole Baarlaman iyo Gole wasiir ayna u heli lahaayeen Guri cad iyo Gaari cad iyo Gabar cad.

waxaa loo noqday meel ka sii hoosaysa 1960kii waagii la yiri xornimo ayaa la helay, laakiin waxaa hubaal ah in hadda la quustay, lana joogo waqtigii la bilaabi lahaa Gobanimo doonka Cusub ee la isaga dulqaadayo heeryada kuwa wax ma garatada ah ee horboodaya siyaasadda iyo ajaanibta iska dhigaysa dad wax u qabanaya dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY