Guddiga doorashooyinka oo uu soo dhexgalay khilaaf xooggan.

Guddiga doorashooyinka oo uu soo dhexgalay khilaaf xooggan.

SHARE

Waxaa soo ifbaxaya khilaaf u dhexeeya Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo kan Heer maamul Goboleed ee Galmudug.

Khilaafkaan ayaa salka ku haya kadib markii guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal laaleen doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado o ay qabteen Guddiga Doorashooyinka Galmudug.

Doorashada lalaalay oo ahayd Kursi qoondo ahaan ay lahaayeen Haweenka ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Axmed Abtidoon oo la sheego in uu ka mid yahaya Taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintaas ayaa la soo wariyay in aysan u cuntamin guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug maadaama Musharrax Abtidoon gadaal uu ka riixayay sida warar ay heleyso Warqabad.com sheegayaan Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed Mabda’ ahaan saaxiibo dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sababta Taageerayaasha Villa Soomaaliya u garab istaageen Maxamed Axmed Abtidoon kuna soo saareen aaya la sheegay in ay ahayd si looga hortago in Kursigaas ay ku soo baxdo Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi oo ka mid ah gabdhaha aqoonyahanada kuwooda ugu horreeyo kuna guuleystay Billada Nabadda Adduunka.

Si kastaba Kuraas kala duwan oo taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh ay ugu horreeyaan ayaa horay waxaa loogu helay Fadeexooyin waaweyn iyadoo shaqsiyaad xasaanad leh oo uu ugu horreeyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada lagu helay Musuq in uu ku soo baxay kadib markii la sheegay in ay doorteen ilaaladiisa.

Injineer Axmed Salaad Aw Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanada ah ee ka soo jeeda Galmudug ayaa sheegay in doorashada Galmudug ay ragaadisay Musuqmaasuq ba’an.

Hadaba Kursiga ay laaleen Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal aya ku soo beegmaya iyadoo weli laga wada dhur sugayo go’aanka ay ka qaateen kuraas aad u fara badan oo la gacan bidixeeyay oo ay ugu horreeyaan doorashooyin ka dhacay Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Galmudug.

LEAVE A REPLY