Doorashada Aqalka hoose ee Hirdhabeelle oo uu hareeyey Musuq.

Doorashada Aqalka hoose ee Hirdhabeelle oo uu hareeyey Musuq.

SHARE

Mid kamid ah musharaxiinta Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa eedeyn culus u jeediyey Mas’uuliyiinta Xilalka ka haya Xukuumadda xilkeedu dhamaaday in ay isticmaalayaan awood, si ay ugusoo baxaan kuraasta la dooranayo.

Faarax Caddow Daahiye oo aha kamid ah musharaxiintii u tartameysay mid kamid ah Kuraasta Aqalka hoose u mataleysa Maamulka Hishabeelle ayaa sheegey in Xubnaha Xilalka ka haya Xukuumadda ee tartamayaa ay adeegsanayaan Ciidamada Dowladda, Lacagaha Dowladda iyo Maamul gobaleedyada, si ay ugu soo baxaan kuraastaasi.

Wuxuu sheegey faarax in aanay guddiga doorashadu xor u ahayn in ay shaqadooda si hab-sami leh u guttaan, waxaana dhacdey ayuu yiri in markii kursiga uu u tartamayay lagu gudajirey in algu qasbay xilli aan munaasab ahayn oo habeen dhexe ah, kadib markii uu u muuqday in uusan soo baxeynin musharaxii ay u ololeynayeen maamulka iyo xubnaha dowladduna Buuq lagu furey, sida Nalka oo ladamiyey, rasaas dhacday iyo qeylo iyo sawaxan lagu sameeyey goobtii.

Faarax oo waraysi siiyey warbaahinta gaar ahaan Idaacadda Shabeelle ayaa sheegey in aanay guddiga boqolkiiba boqol lagu kalsoonaan Karin, maadaama aanay xor ahayn, laakiin ay rajeynayaa in ay dadaalaan, islamarkaana ay war wanaagsan kasoo saaraan xubnaha lamusuqey, heerka aaminaadooduna waa 50 boqolkiiba ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee waxaa isasoo tarayo wararka aan wanaagsaneyn ee ku saabsan Doorashada dadban ee soomaaliya, iyadoo ay jiraan xubno si adad loo musuqey, kuwaasi oo qaarkood ladoortay iyadoo xabsi lagu yahoo amaba loo diidey ciddii ku tartami laheyd kuraasta.

LEAVE A REPLY