Cumar C/Rashiid oo Xod-xogasho ugu jooga Jubbaland.

Cumar C/Rashiid oo Xod-xogasho ugu jooga Jubbaland.

SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa haatan waxaa uu kulan kula leeyahay Magaalada Kismaayo Xubnaha Labada Aqal ee laga soo doortay Degaanada Jubbaland.

Cumar C/Rashiid ayaa mudanayaasha kala hadlaya arrimaha Doorashooyinka Dalka Soomaaliya iyo sidii ay waajibaadkooda Shaqo ugu gudan lahaayeen si habsami leh.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudanayaasha kala hadlaya in ay codkooda ku badbaadiyaan Dalka maaddaama ay dhowaan dhacayso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale latuhunsanyahey in uu xod-xodanayo Xildhibaannada, maadaama uu kamid ayahy Murashaxiinta madaxtinimo ee dalka ee dhawaan loodooran doono xilka madaxtinnimo ee dalka.

Soomaaliya ayaa qarka u saaran in dib mar kale Gumeysi loo geliyo kadib markii ay ku guul darreysatay Dowladdii ugu horreysay oo aan KMG ahayn muddo 26 sano ah in ay wax ka qabato sharciyadda iyo Dowladnimada Soomaaliya, taasi oo kalifaysa in dib u dhac xooggan uu ku yimaado waxqabadka soomaaliya.

LEAVE A REPLY