Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar

SHARE

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta gaaray wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira.

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diayaaradaha ee Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka SHabeelaha Dhexe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, Guddiga Doorashooyinka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedka wafdigan ay u gaareen Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen Guddiga Doorashooyinka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona Doorashooyinka ka socda Magaalada Jowhar oo maalmahan hakad uu ku jiray.

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka socota Doorashada Aqalka Hoose, oo muran badan uu ka taagan yahay.

LEAVE A REPLY