Oday dhaqameedyo lagu gowracay Gobolka Mudug ee bartmaha Dalka Soomaaliya.

Oday dhaqameedyo lagu gowracay Gobolka Mudug ee bartmaha Dalka Soomaaliya.

SHARE

Shabaab oo Dagaal xoogan kula jira Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa gowracay ugu yaraan 8 Oday dhaqameed oo ka mid ahaa waxgaradka Degaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug ee bartmaha Dalka Soomaaliya.

Wakaalada Wararka ee Reuters oo soo xiganeysa Saraakiil iyo ilo degaanka ah ayaa baahisay in sidoo kale Al Shabaab ay toogasho ku dileen 7 kale oo ka mid ahaa Dadka Degaanka Dumaaye.

Reuters ayaa shaacisay in Dagaal Culus uu dhexmaray Xoogaga Xarakada Al Shabaab iyo Dadka Degaanka.

Nuur C/laahi oo ka mid ah Dadka Degaanka ayaa waxuu sheegay in Dagaalka labada dhinac uu yimid kadib markii Al Shabaab ay ku amreen Dadka Degaanka bixinta xoolo iyo lacago ay ku sheegeen zakawaat.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa u sheegay Wakaalada Reuters in Dadka Degaanka ay diideen amarka Al Shabaab, islamarkaana ay Dagaal xoogan la galeen.

Waxaa uu tilmaamay in Dagaalka labada dhinac sidoo kale ay ku dhinteen ugu yaraan 10 mid ahaa Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in 8 Ruux ay ku gowraceen Degaanka Dumaaye oo qiyaas ahaan 50Km u jira Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY