Faadumo Dayib: “Waxaan u malaynaa inaan u tartami doonin Madaxtinimada sabab jirto...

Faadumo Dayib: “Waxaan u malaynaa inaan u tartami doonin Madaxtinimada sabab jirto darteed"

SHARE

Fadumo Qaasim Dayib oo Somali haysata Dhalashadda Finnish ee dalka Finland waxay hadalkaasi ku sheegtay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka.

Musharaxadda oo Wargeyskaasi kula hadashay Via Skype iyadoo ku sugan magaalladda Nairobi waxay tilmaamtay inay Go’aankaasi qaadatay isbuucan, kadib, markii ay Guddiga Doorashadda Federalka markii 3-aad ku dhawaaqeen inay dib u dhacday Doorashadda Madaxweynenimadda oo la filayey inay qabsoonto shalay oo ay Taariikhdu ahayd November 30-da.

Haweeneydaan oo wareysi dhinacyo badan siisay wargeyska Washington Post ayaa waxay sheegtay in markii saddexaad guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqeen dib u dhac kale oo ku yimid doorashada Madaxweynaha oo ku bishii November ee aynu soo dhaafnay ku ekeyd.

“Waxaan u malaynaa inaan u tartami doonin, uma ordayo waayo waxaan ka argagaxaa Heerka uu gaarsiisan yahay Musuqa, dhamaan wa wax niyad-jab ah, mana doonayo inaan Sharciyeeyo wax xun in loo tartamo” ayey tiri Fadumo Qaasim Dayib oo inta badan jecel inay la hadasho Warbaahinta Caalamka, gaar ahaan kuwa Reer Galbeedka.

Fadumo Qaasim Dayib oo ah Haweeneyda keliya ee ka mid ahayd 18-ka Musharax ee u tagaan Madaxtinimadda Somalia waxay dib-u-dhaca Doorashadda Madaxtinimadda ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo sheegtay inuu mashquul ku noqday sidii uu Dhaqaalaha Dowladda ugu maalgelin lahaa  Ololihiisa Doorashadda.

“Si sharci-darro ah ayuu Xafiiska ku jooga waana inuu ka tagaa, waayo Xilligiisa waxa uu ka dhamaaday bishii September 10-dii ee la soo dhaafay” ayey tiri Fadumo Qaasim Dayib.

Wareysiga ay Fadumo Qaasim Dayib siisay Wargeyska The Washington Post waxay kaloo ku sheegatay in maalin kasta loo soo diro Fariimo loogu hanjabaayo, inkastoo aysan soo bandhigin wax raad-raacyo u ah arrinkaasi, mana kala cadda inay ka leedahay Ujeedo Siyaasadeed iyo Beerlaxawsi kale.

Dad badan ayaa u arkayay musharaxnimda Faadumo Dayib inay tahay mid ku kooban warbaahinta iyo baraha bulshada, iyadoo aan wax tallaabo ay u qaadin inay noqoto musharax dhab ah.

LEAVE A REPLY