Boorar uu ku sawirnaa Madaxweyne Shariif Xasan la jeex jeexay iyo...

Boorar uu ku sawirnaa Madaxweyne Shariif Xasan la jeex jeexay iyo odayaal la afduubtay baydhabo

SHARE

Waxaa sii kordhaya xiisadaha ka dhalanaya arrimaha doorashooyinkii maalmahaanba ka socday, iyadoo xalay kooxo maleeshiyooyin ah ay afduubteen odayaal ku sugan magaalada Baydhaba, taasi oo sababtay boorar uu ku sawirnaa Madaxweynaha maamulka K/Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xiisadaan oo ka dhaltay is qabqabsi la xariira aqalka hoose ee Baarlamaanka cusub isla markaana la musuqmaasuqay kuraasta beelaha halkaasi dega qaarkood.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaal dhaqameed ayaa markii dambe ku guuleystay in ciidamada hubeysan laga soo badbaadiyo odayaashii ay afduubteen, waxaana bilowday dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadaha ka taagan magaalada Baydhaba.

Ex-Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor) oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay inuu isagu kursiga Baarlamaanka ku fadhiyo ahna musharax u taagan kursiga aqalka hoose oo uu sheegay inuu isagu diyaar u yahay haddii lagu guuleysto xilka wareejinayo.

“Kursigii ay ii soo qoreen beesheyda dhammaan waa laga wada tegay, dadka hadda la sheegayo wax bay doorteen maba u dhalan beesha waana kuwo meel kale laga keenay” ayuu yiri Aadan Saransoor.

Dhinaca kale Aadan Saransoor ayaa sheegay inuu dacwad u gudbinayo guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka si ay wax uga qabtaan xiisada ka aloosan magaalada Baydhaba, iyadoo eedeymaha intooda badan loo jeedinayo Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha maamul goboleedka K/Galbeed.

LEAVE A REPLY