Akhriso Xubno maanta lagu doortay magaalada Jowhar

Akhriso Xubno maanta lagu doortay magaalada Jowhar

SHARE

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo wali si habsami leh uga socota Magaalada Jowhar ayaa maanta la doortay 5 Mudane oo ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaanada ku soo baxay kuraasta Aqalka Hoose ayaa qaarkood waxay yihiin kuwo muddo dheer ka tirsanaa Baarlamaanka, halka sidoo kale ay jiraan xubno cusub oo Doorashadaan ku soo baxay, waxaana ay kala yihiin Xildhibaanada la doortay.

1.Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo ku soo baxay 32 cod.
2.Maxamed Cumar Ceemooy, oo ku soo baxay 26 cod.
3.Mina Xasan Shibis, oo ku soo baxday 27 cod.
4.Farxiyo Maxamuud Dhaqane oo ku soo baxday 43 cod.
5.iyo Dahabo Suusow oo ku soo baxday 27 cod.

LEAVE A REPLY