QISO CAJIIB AH: ISKA JIR QIYAANADA!

QISO CAJIIB AH: ISKA JIR QIYAANADA!

SHARE

indexWaxaa jiray nin ganacsade ah oo la odhan jiray Jaamac, Jaamac wuxuu ka ganacsan jiray alaabaha fudfud sida: bariiska, sonkorta IWM. sidoo kale ninkani wuxuu iibin jiray Subaga, waxaa kaloo jiray oday beer ku leh miyiga xoola dhaqatana ah, odaygu wuxuu maalin waliba iman jiray suuqa oo subag ayuu miyiga ka keeni jiray kana iibsan jiray ganacsatada, odayga macaamiishiisa waxaa ka mid ahaa Jaamac oo uu maalin waliba ka iibin jiray subaga sidoo kalena alaabaha uu suuqa ka doonayana wuu ka iibsan jiray, Jaamac ma uusan iska miisaami jirin subaga oo wuxuu iska aaminsanaa odayga.

Maalin maalmaha kamid ah ayuu Jaamac isyidhi bal tijaabi odaygan waxa uu kaa iibiyo ma saxbaa oo hal kiilo ma gaarayaa. Jaamac baa miisaamay subagii markaas buu ogaaday in wax ka dhimanyihiin cabirka, markaas buu xanaaqay oo uu odaygii ka dacweeyay maxkamada.

Maalintii xigtay baa maxkamadi laysla soo istaagay, odaygii baa la weydiiyay maxaad u qiyaameysay ninkan?

Odaygii baa ku jawaabay:”Mudane garsoore aniga ma heysan qalab aan ku cabiro subaga, sidaa daraadeed waxaan isticmaali jiray bariis aan ka iibsaday isla ninkaan oo uu kiilo ahaan iigu xisaabin jiray, markaas waxaan isla cabiri jiray bariiska iyo subaga. marka garsoore haddii ay qayaano jirto ninkaan ayaa qiyaanoole ah”.

Maxaynu ka faa’iideysanaynaa:

NOLOSHAADA HADDII AAD WANAAG KU NOOLAATO WANAAG BAA KAAGA SOO BAXAYA, HADDII AAD QIYAANO IYO XUMAAN KU JIRTANA ADIGA AYUUNBAA IS QIYAANAY, OGSOONOOW NOLOSHU SHORTCUT MALAHA!!!

 

LEAVE A REPLY