Maamulka Puntland oo ka labaatay go’aankii lagu joojiyay doorashada xildhibaannada Aqalka...

Maamulka Puntland oo ka labaatay go’aankii lagu joojiyay doorashada xildhibaannada Aqalka hoose

SHARE

Maamulka Puntland ayaa lugu wadaa in dib ay uga billaabato doorashada xildhibaannada Aqalka hoose,kaddib markii madaxtooyadda Garoowe ay dhawaan ku dhawaaqday in la hakiyay doorashooyinkii socday.

Puntland Waxa arrintaasi sabab uga dhigtay inay diidan-yihiin xubno la sheegay inay yihiin dad asal ahaan ka soo jeeda deegaannada Puntland oo la raaciyay dhanka Soomaaliland.

Tabashada ayaa la sheegay hadda in la xalliyay oo ay dib uga billaabanayaan doorashooyinka Aqalka hoose magaalada Garoowe,sida laga soo xigtay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee dalka,Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey).

Guddoomiyaha wuxuu caddeeyay in Puntland ay ka laabatay go’aankii ahaa in gabi ahaanba ay joojiyeen doorashada Aqalka hoose ee ka socotay,wuxuuna marka sheegay doorashooyinka halkoodi inay ka sii soconayaan.

Bilowga bisha ina soo aadan ayaa lugu wadaa baarlamaanka cusub inuu fadhi yeesho,laakin wali waxaa muuqata inan la soo dhammeystirin xildhibaannada Aqalka hoose ee madaxweynaha dooranaya.

LEAVE A REPLY