Koox aan la aqoon ayaa weerar ku qaaday Garaashkii laga soo abaabulay...

Koox aan la aqoon ayaa weerar ku qaaday Garaashkii laga soo abaabulay gaarigii ku qarxay Suuqa beerta

SHARE

Kooxo hubeysan ayaa caawa qaraxyo ku weeraray garaash ku yaalla agagaarka isgoyska Black Sea degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Garaashkan ayaa waxaa la wareegay gacantana ku haya ciidamada nabad sugida Somalia ka dib markii la ogaaday in laga soo abaabulay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo maalmo ka hor ku qarxay Suuqa beerta ee degmada Waaberi kaasoo khasaare ballaaran geystay.

Qaraxyada caawa lagu weeraray ciidamada nabad sugida ee ku sugan garaashkan ayey wararku sheegayaan in loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro.

Ciidamada dowlada Somalia ee ku sugan halkaas ayaa qaraxyada ka dib rasaas fara badan furay, iyagoo isku fidiyey xaafadaha ku dhow garaashkan.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxyadan caawa lagu weeraray garaashkan iyo rasaasta ka dambeysay.

Dad ka badan 30 ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhintay 60 kale in ka baddana wey ku dhaawacmeen gaari miineysan oo ku qarxay Suuq beerta ee degmada Waaberi maalmo ka hor, waxaana ciidamada nabad sugidu ay xireen ninkii waday gaarigan iyo shan kale oo shaqaale ka aheyd garaashkan.

LEAVE A REPLY