CIA-da Mareykanka oo Donald Trump uga digtay in uu ku dhiirado...

CIA-da Mareykanka oo Donald Trump uga digtay in uu ku dhiirado burburinta heshiis-yadii maamulkii ka horeeyay

SHARE

Sirdoonka Mareykanka ee CIA, ayaa Donald Trump, Madaxweynaha la doortay kaga digtay inuu burburiyo heshiiskii Nuclear-ka, ee sanadkii hore Wadamada Reer Galbeedku la gaareen Iran.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA, ayaa wax nacasnimo ah ku sheegay, haddii Donald Trump uu ku dhiirado burburinta heshiiskaasi.

John Brennan, ayaa sheegay inaysan horey dalka Mareykanka uga dhicin in maamul la doortay uu burburiyo heshiis uu horey u galay maamulkii ka horeeyay.

“Maaha arrin horey u dhacday in maamul ka jira Mareykanka uu ka horyimaado heshiis uu galay amaba uu saxiixay maamulkii ka horeeyay.” Ayuu yiri Agaasimaha oo la hadlay BBC.

Agaasimaha, ayaa qaba haddii ay dhacdo in Donald Trump uu burburiyo heshiiskaasi, ay sababi karto in Iran ay dib u soo noolleyso barnaamijkeedii Nuclear-ka.

“Haddii ay dhacdo waxay sababi kartaa in barnaamijka Nuclear-ka Iran uu dib uga bilowdo gudaha Iran. Taasi waxay kaloo sababi kartaa in dalalka xitaa deriska la ah Iran, ay isu deyaan inay samaystaan barnaamij kaa lamid ah.” Ayuu yiri John Brennan.

Donald Trump, ayaa intii uu ku guda jiray ololihii doorashada madaxtinimada Mareykanka, waxaa uu ku cago jugleeyay in uu burburin doono heshiiskaasi, haddii la doorto.

LEAVE A REPLY