275-ka xubnood ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya iyo 54-ka xubnood ee aqalka sare oo dhawaan la doortay ayaa lagu wadaa inay doortaan madaxweynaha sagaalaad tan iyo markii uu xornimada qaatay dalka Soomaliya sanadkii 1960-kii.
18 ka musharax ee u taagan qabshada xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa inta badan degan wadamada Maraykanka iyo Canada, halkaas oo ay ka heleen aqoonsiga dhalashada, Laba jinsiyadoodka ama sharciyada ayaan ka reebeenin inay isku sharaxaan madaxweynanimada ilaa hadda madaama ay haystaan baasaboorka Soomaaliya.
Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynahii hore dowladii KMG aheyd -Sharif Sheikh Ahmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Maxamed Cali Nuur iyo Jabril Ibrahim Abdulle Ka sokow, inta kale ee musharaxiinta ah ayaa lagu waramayaa in ay leeyihiin laba sharci.
Halkaan Hoose Ka Akhriso Musharixiinta Heysata Dhalashada Laba Dal iyo Dalalka Labaad ay kasoo jeedaan.
- Fadumo Dayib – Canada
- Omar Abdirashid Ali Sharmarke – Canada
- Abdiweli Sheikh Ahmed – Canada
- Abdirahman Abdullahi Baadiyow – Canada
- Abdinasir Mohamed – United States
- Anab Dahir – United States
- Bashir Nur-Bidaar H Looyan – United States
- Abdirizak Omar Mohamed – United States
- Mohamed Abdullahi Mohamed – United States
- Mohamud Ahmed Nur Tarsan – United Kingdom
- Abdirahman Farole – Australia
- Said Abdullahi Dani – Denmark
- Yassin Mahi Mallin – Sweden.