Hay’adda Jinsiyada iyo Socdaalka oo xarumo ka furanaysa Xuduudaha dalka

Hay’adda Jinsiyada iyo Socdaalka oo xarumo ka furanaysa Xuduudaha dalka

SHARE

Muddo 26 sano kaddib ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxay howlgalineysaa Xarumihii xafiisyada Socdaalka uu ku lahaa dalka si loola socdo dhaqdhaqaaqa xaduudaha soo galid iyo ka bixid.

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Koofi ayaa tababar u furay shaqaale loogu talagalay in ay ka howlgalaan xarumaha Hay’adda ee Xaduudaha dalka.

Shaqalaha tababarka loo furay ayaa waxaa ay si buuxda uga howlgali doonaan Xafiisyada Socdaalka ee Xuduudaha, iyagoo kontorooli doona dhaq-dhaqaaqa xuduudda iyo la socodka Ajaanibta Dalka ka soo galaya dhanka Xuduudda Sida uu sheegay Taliye Koofi.

Waa tilaabadii ugu horeysay Muddo 26 sano ah ka dib ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya ku howlgalineyso Xarumihii Hay’adda Socdaalka ee xuduudaha dalka.

LEAVE A REPLY