FBI-da oo baaritaan ku haysa wiilkii Soomaaliga ahaa ee weerarka ka geystay...

FBI-da oo baaritaan ku haysa wiilkii Soomaaliga ahaa ee weerarka ka geystay jaamacadda Ohio

SHARE

FBI-da Mareykanka ayaa baareysa in weerarkii jaamacadda Ohio ee 11 qof ay ku dhaawacantay uu la xiriiray argagixiso. Abdulrasaaq Cali Cartan, 18 sano jir soomaali ah ayaa baabuurkiiisa ku dhuftay dad taagan jaamacadda horteeda, kadibna uu ku weeraray mindi, ka hor intaan boliisku toogan isaga.

Sababta uu weerarka u qaaday ardayga ayaan la ogayn, laakiin argagixiso inay sabab u tahay ayaa suurtogal ah, sida ay sheegtay madaxa boliiska, Kim Jacobs. Laakiin Cartan, boliiska horay uma aqoon, sida uu qof aan magaciisa sheegin u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Warfaafinta Maraykanka ayaa sheegtay in Cartan ay u eg tahay inuu ku qoray fariin Facebook intuusan weerarka qaadin. Boliis baaritaanka samaynaya ayaa u sheegay telefishinka NBC in fariin lagu qoray Faceebook oo la aaminsan yahay inuu leeyahay Cartan ay u dhigneyd sidatan “Ma xamili karo in ka badan”.

Farriinta oo sii socotay ayaa sheegaysay: “Ameerika! Jooji faragalinta aad ku hayso waddamada kale, gaar ahaan ummada Muslimiinta, ma nihin dad jilicsan.”

Laakiin farriin la qoray laba saac horteed ayaa sheegaysa : “Cafi iskana illow . Jaceyl.”
Bartaas cinwaankaasi Facebook-ga ayaa laxiray, sida ay sheegtay AFP. Markii la waydiiyay in weerarka uu ahaa fal argagixiso, madaxa boliiska Jacobs ayaa sheegtay : ” Waa inaan tixgalinaa.”

FBI-da ayaa samaynaysa baaritaanka jaamacadaoo ay dhigtaan 60,000 oo arday. Cartan, oo ahaa qaxooti Soomaali ayaa deganaa Maraykanka isagoo helay sharciga Maraykanka. Wuxuu ka baranayay logistics management, kuliyada ganacsiga, sida ay ku waranatay Columbus Dispatch.

Cartan ayaa waraysi siiyay wargayska jaamacada ee The Lantern markii uu billaabay jaamacada 23-kii August, wuxuu wariye Kevin Stankiewicz u sheegay inuu ka cabsi qabo inuu ku tukado dadka dhexdiisa.

Abdulrasaq Cali Cartan ayaa sheegay inuu ka baqayo inuu ku tukado dadka dhexdiisa sababtoo ah “waxa laga sheego warfaafinta” saddex bilood ka hor intuusan dhiman.

” Waxaan rabay inaan dadka dhexdiisa ku tukado, laakiin waxaan ka cabsanayay waxa ka socda warbaahinta,” hadii dadka ay arkaan anoo tukanaya ma ogi waxa ay ku fikirayaan.”

“Laakiin, danbiga iyaga ma saarayo. Warbaahinta ayaa masawirkaas madaxooda galisay, waxay dareemi doonaan si aan fiicnayn,” ayuu u sheegay wargayska jaamacada.

cartanbaritan1

cartanbaritan3

LEAVE A REPLY