Ururka Alshabaab oo sheegey in laba askari oo katirsan Dowladda Usoo gashay.

Ururka Alshabaab oo sheegey in laba askari oo katirsan Dowladda Usoo gashay.

SHARE

Xarakada Al-Shabaab ayaa degaanka Kuunya-barow waxa ay ku soo bandhigeen Gaari ay leeyihiin ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed iyo laba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah ku taala degaanka Kuunya-barow ee Gobolka Shabellaha Hoose, kusoo bandhigay Gaariga waxaana halkaasi joogay boqolaal ka mid ah ka mid ah dadka degaanka.

Gaariga ciidanka ee Shabaab ay soo bandhigeen oo taarikadiisa ay tahay Xoogga Dalka 5596, ayaa waxaa saarnaa Qori noociisa uu yahay Dashiike, waxaana sidoo kale wehliyay Qoryaha RBG, PKM iyo AK-47.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Askartaan ay ka soo goosteen ciidanka dowladda Soomaaliya , islamarkaana ay kusoo biireen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY